Saturday, June 28, 2025

Cabsi Qarax darteed oo kumanaan qof looga daadgureeyay xarumaha Tareenada Magaalada Moscow

In ka badan 3000 rakaab ah ayaa degdeg looga daadgureeyay saddex xarumood oo tareenada laga raaco magaalada Moscow ee dalka Ruushka.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii  la helay digniin ku saabsan in Bam la dhigay xarumaha Tareenada laga raaco, sida ay soo werisay wakaalada wararka Sputnik oo raacsan dowladda dalkaasi.

Telefoon la helay dad aan la aqoonsan ayaa ka digay in bambooyin lagu rakibay xarumaga tareenada ee Kazansky iyo Leningradsky oo ah goobo dadku ka taacaan  Tareenada.

Xarunta kale ee tareenada oo lagu magacaabo saldhigga tareenada ee Yaroslavsky ayaa laga daadgureeyay dad gaaraya 750 qof.

Xaaladda ayaa weli kacsan iyadoo aan la soo werin weli qaraxyo dahcay,  waxaana xarumahaasi la geeyay ciidamo fara badan.

LA SOCO FAAHFAAHINTA…

Wakaalado

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON