Wednesday, June 25, 2025

Cadaado oo gadoodsan iyo Cabdi Qeybdiid oo ku biiray (Maxaa ka soo bixi doona?)

Maamulka Ximan & Xeeb ayaa si weyn ugu gacan seyray go’aankii ka soo baxay madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in caasimada maamulka Gobollada Dhexe ee dhowaan  la dhisi doono ay noqon doonto magaalada Dhuusmareeb, waxaana madaxweynaha maamulkaasi Cabdulaahi Cali Baarleex uu sheegay inaan la aqbali karin faragelinta madaxweynaha ee arrimaha gobolada dhexe.

Qeybiid_Baarlex

[ad name=”HTML-2″]

Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Federaalka inuu jebiyay dastuurka kumeelgaarka ah ee dalka, isla markaana aanu sharci u lahayn inuu magacaabo caasimadda maamulka gobollada dhexe, isagoo caddeeyay inay arrintaasi ka shirayaan oo go’aan cad ka soo saari doonaan.

Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug  Cabdi  Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo wafdi la socda ayaa manta gaaray degmada Cadaado, iyadoo la sheegay inay wadahadal la yeelan doonaan maamulka Ximan & Xeeb oo ay ka wadahadli doonaan go’aanka madaxweynaha iyo tallaabada ay ka qaadan doonaan.

Labada maamul oo ku mideysan qorshe ka horjeeda kooxda Dhuusamareeb ee shalay guusha hordhaca ah gaartay ayaa lagu wadaa inay ka hor yimaadaan caasimadnimada Dhuusamareeb soona saaraan bayaan wadajir ah.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

[ad name=”HTML-4″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON