Thursday, June 26, 2025

Caleemo saarka madaxda Hirshabeelle oo maanta Jowhar ka dhacaya (Ugaas Xasan Miyuu ka qeyb galayaa..?)

Qabanqaabadii ugu danbeysay ayaa ka socota magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe oo maanta lagu caleema saarayo madaxweynaha Hirshabeelle.

Ammaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo la geeyay ciidamo hor leh oo Muqidsho ka tegay, waxaana ammaanka sugaya ciidamada AMISOM iyo kuwa NISA ee dowladda Soomaaliya.

Caleema-saarka Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa la filayaa inay maanta ka qeyb galaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynayaasha maamulada dalka iyo wakiilo ka socda beesha caalamka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Kuxigeenkiisa uu ka qeyb geli doono Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo taageeradiisa uu dadaal u galay Cali C/llaahi Cosoble.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON