Madaxweynihii hore ee Maamulka HirShabeelle Cali Cabdullahi Cosoble doorashadii maanta dhacday magaalada Jowhar ku tilmaamay dulmi iyo sharci darro ah.
Isagoo ku sugan magaalada dalka Kenya ayuu inuu weli yahay madaxweynaha sharciga ah ee Hirshabeelle, cid kasta oo xilkaasi si been abuur ah loogu doortayna aanay ahayn wax soconaya.
“Wixii ka dhacay Jowhar waa dulmi dulmi lagu daray anigu waxan ahay Madaxweynaha Sharciga ah ee Hirshabeelle, si sharci ah ayaa ley doortay si sharci ahna xilka leygama qaadin” ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble.
DHAGEYSO WAREYSIGA