Siyaasiga reer Puntalnd Cali Xaaji Warsame, kana mid ahaa musharixiintii u tartamay xilka madaxweynaha Puntland, kadibna noqday wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland ayaa nasiib darro ku tilmaamay heshiiska dowladda Federaalka iyo Puntland.
Cali Xaaji ayaa sheegay inuusan heshiiska Puntland ku qaadatay 4.5 aanu ka arkin wax aan ahayn in Puntland maamusho, waxaana uu caddeeyay in shacabka Puntland ay xukuumaddu ku ciyaartay kalsoonidii ay ku qabeen.
“Madaxwayne Gaas wuxuu hore u sheegay in siyaasiyiin fashilmay ay been sheegayaan, meeday balanqaadkii madaxwayne Gaas, waa nasiib-darro taariikhi ah, waxayna Puntland dhaawac wayn oo siyaasad ahaan, shacab ahaan, iyo sharaf ahaanba soo gaaray” ayuu yiri Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo wareysi siiyay Radio Daljir.
Dhageyso Cali Xaaji
Goobjooge.com