Friday, June 27, 2025

Caruurta Derbi-jiifka ah oo laga ururiyey Qaar ka mida Isgoysyada Magaalada Muqdisho [Sawirro]

Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta dhalinyaradan derbi jiifka ah ee isticmaala waxyaabaha maanka dooriya oo gaaraya 25 ayaa laga aruriyey Isgoysyada Muqdisho, gaar ahaan Celgaabta iyo Suuqa Xamar wayne.

Dhalinyarradan ayaa la sheegay in si daryeel iyo xanaano loogu sameynayo xero ay leyihiin ciidamada asluubta oo waajibaad ka saaran yahay. Wuxuuna taliska Ciidanka Asluubtu sheegay inay daryeel iyo waxbarasho siiyaan ku dhawaad 500 oo Carruur ah oo ku jira xarumo kale duwan oo dalka ah.

Olololaha lagu qabqabtey caruurta darbiyo jiifka kooliistayaasha iyo garaabiistayaashada maanta ka dhacay magaalada Muqdisho  ayaa loo xilsaaray saraakil iyo ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta Somaliyeed howlgalku intii uu socda ayaa waxaa  gacanta lagu soo dhigay in ka badan 20 qof oo qaarkood ku hubeystaa tooriyo xili ay dhuuqayeen maandooriyaha xabagta ama koolada afkuna ay ku heysteen garaabada jaadka

G/sare Xasan Cumar Afrax oo  ka tirsan ciidamada Asluubta ayaa sheegay in hadafka iyo ujeedka laga leeyahay ururinta caruurta ay tahay in dib loo dhaqan celiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON