Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay Caawa baaqatay casho sharaf loo sameyn lahaa xulka da’yarta Soomaalida ee kaalinta labaad kasoo galay tartankii CECAFA.
Wararka ayaa sheegaya in casho sharafta oo markii hore la qorsheeyay inay ka dhacdo xarunta Gobolka ay soo faragelisay Madaxtooyada oo damacday inay la wareegto xaflada, Warar kale auaa sheegaya inay xafladda u baaqay arrimo farsamo iyo waqtiga oo ciriiri ahaa.
Dhalinyarada oo caawa guryahooda ku laabtay ayaa loo sheegay inay baaqatay xafladii la sameyn lahaa iyadoo lagu wado in la qabto habeen dambe oo ay ka dhacdo xarunta madaxtooyada.
Baraha bulshada ayaa waxaa hareeyay dood ku saabsan ciyaartoyda ka tirsan xulka da’yarta oo Bajaaj ka qaatay hotelka Saxafi, arrintaas oo noqotay mid si weyn la isugu eedeeyo.