Kooxda Kubadda Cagta Chelsea ayaa ku guuleysatay Horyaalka Ingiriiska kadib ciyaar ka dhacday Garoonka Kooxda garoonka kooxda West Bromwich Albion.
Ciyaarta oo aheyd mid xiiso badan ayaa waxa ay qeybtii Koowaad ee ciyaarta ay kusoo dhamaatay goolal la’aan, waxaana qeybtii labaad goolka qura ee guusha u dhaliyay kooxda Chelsea laacibka Michy Batshuayi oo bedel ku soo galay.
Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday kooxda Chelsea oo hanatay Horyaalka wadanka Ingiriiska ee Premier League oo ah kuwa ugu adag caalamka.
Waa markii shanaad ee Chelsea ay ku guuleystayhgryaalka Premier League inta magacaasi u qaatay iyo markii lixaad taariikhda horyaalka Ingriiska.
Macalinka reer Talyaani ayaa noqday macalinkii afraad ee Talyaani ah oo horyaalka Ingiriiska kooxdiisa u qaada, waxaana lagu xusuustaa isbedealka farsamo ee uu ku soo biiriyay horyaalka Ingiriiska.
CHELSEA ARE PREMIER LEAGUE CHAMPIONS! ????#ChelseaChampions pic.twitter.com/p2fAy8NFz1
— Chelsea FC (@ChelseaFC) May 12, 2017
Goobjooge.com