Guddiga Abaalmarin caalamiga ah ee Nobel-ka (Nobel peace prize) ayaa ku dhawaaqay cidda ku guuleysatay abaalmarintaasi sanadkan 2020.
Hay’adda Cuntada Adduunka (World Food Programme -WFP) ayaa la siiyey sanadkan Abaalmarintaasi, kadib xaflad ka dhacday magaalada Oslo ee dalka Norway.
Abaalmarinta Nabadda ee Nobel waxaa sanadkan ku tartamay 307 shaqsi iyo 107 urur, waxaana loo gartay in la siiyo hay’adda WFP sida ay ku dhawaaqday guddoomiyaha Guddiga Nobel ee Berit Reiss-Andersen.
Hay’adda WFP ayaa lagu abaalmariyey dadaalka ay ugu jirto la-dagaalanka gaajada dunida iyo howlaha ay ka wado dalalka colaadaha iyo abaaraha ka jiraan ee dunida, taasoo xoojisay nabadda Caalamka.
