Ciidamada AMISOM ee ku sugan degaanka Ceelbaraf, degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa halis weyn soo food saartay kadib markii ciidamadii dowladda ee degaankaasi ku sugnaa ay isaga baxeen, kadibna ay Alshabaab dib u qabsadeen.
Saldhigga ciidamada AMISOM ee ka socda Burundi ku leeyihiin duleedka Ceelbaraf ayaa la sheegay inay Alshabaab dhinac waliba ka jiraan oo xaalkoodu adag yahay, waxaana Alshabaab ay jidka u galeen ciidamo milateri ah oo doonayay inay dib ugu laabtaan Ceelbaraf oo gaarsiiyeen qasaare dibna u soo celiyeen.
Wararka laga helayo dadka degaanka ayaa sheegaya in Alshabaab ay ciidamo badan ku soo daabushay agagaarka Ceelbaraf iyo magaalada oo ay dib u qabsadeen xalay, waxayna arrintan cabsi badan ku riday dadka degaanka oo odayaasha iyo waxgaradka ay badbaado ahaan isla xalay u galeen xerada AMISOM.
Kulan maanta ka dhacay magaalada Jowhar ayaa dhex maray guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Xuseen Guudlaawe iyo Taliyeyaasha ciidamada AMISOM waxaana looga hadlay xaalada adag ee ka jirta Ceelbaraf.
Ciidamada dowladda ee ka soo baxay Ceelbaraf ayaa la sheegay inay dhammaantood yimaadeen magaalada Jowhar si ay mushaar uga qaataan, taasoo keentay inay cidleeyaan aaggii ugu muhiimsanaa ee laga xoreeyay Alshabaab.
Weerar kale oo Alshabaab ku qaado ciidamada AMISOM wuxuu noqon doonaa mid saameyn xun ku yeesha AMISOM oo muddo saddex jeer ah qasaare ba’an ka soo gaaray weeraro waaweyn oo ka dhacay Shabeelaha Hoose iyo Gedo.
Goobjooge.com