Monday, July 14, 2025

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo caawa la wareegay degaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa la wareegay  degaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan oo 45-km  dhinaca Bari ka xiga  degmada Maxaas, iyadoo ay degaankaasi gacanta ku hayeen ururka Alshabaab oo saldhig ay u ahayd.

Ciidanka-Itoobiya-

Ciidamada AMISOM ee ka socda Jabuuti iyo Itoobiya oo ay la socdaan ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa caawa fiidkii la xaqiijiyay inay gaareen degaankaasi, iyadoo aan wax dagaal ahi ka dhicin oo ay isaga baxeen maleeshiyadii Alshabaab.

Dadka degaanka Moqokori ayaa la sheegay inay qaarkood ciidamadaasi soo dhoweeyeen iyadoo degaanka uu yahay meel mudo dheer ay ku sugnaayeen kooxda Alshabaab.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo howlgal Alshabaab looga horjeedo uu ka socdo gobolada Bay iyo Ged oo ciidamo Itoobiyaan iyo Kenyaati ah dagaallo culus ka wadaan si ay ula wareegaan degmooyinka ku harsan gacanta Alshabaab.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON