Monday, June 23, 2025

Ciidamada AMISOM & kuwa Alshabaab oo isla maamulaya Magaalada Marka

Maleeshiyada Alshabaab oo shalay qeyb ka mida qabsatay magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa weli ku sugan halkaaasi iyadoo dhinaca kale duleedka magaalada ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM oo saldhig ciidan ku leh.

Magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa hadda u muuqata inay u kala qeybsan tahay Alshabaab iyo AMISOM, kadib markii ay ka baxeen ciidamadii Milateriga dowladda Soomaaliya oo ilaa iyo hadda aan la shaacin sababta keentay inay ka baxaan magaaladaas muhiimka ah.

Xiisad colaadeed ayaa ka jirta magaalada, waxaana dadka magaalada qaarkood ay bilaabeen inay ka qaxaan magaalada, iyagoo ka cabsi qaba inuu dagaal ka dhaco.

Guddoomiyaha Marka ayaa sheegay in Alshabaab heystaan qeyb ka mida magaalada, laakiin AMISOM ayaa beenisay arrintaasi iyadoo sheegtay inay sugayaan ammaanka dadka magaalada Marka. Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa isna beeniyay in maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabaab ay magaalada galeen.

Guddoomiye kuxigeenka gobolka Siyaad Cali ayaa VOA u sheegay in gudaha magaalada ay joogaan ciidamada AMISOM sida uu ku dooday, waxaana maamulka Gobolka iyo kan degmada Marka ka dhex jira qas ku saabsan xaaladda magaalada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON