Ciidamada AMISOM ayaa dib ula wareegay degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose kadib markii ay saaka qabsadeen maleeshiyada Alshabaab oo weerar xoog leh ku soo qaaday, qasaare badanna gaarsiiyay ciidamada AMISOM.
Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay lug ku galeen saldhigii laga qabsaday ee Jannaale kadib markii Alshabaab ay jareen Buundadii Janaale, waxayna ciidamada AMISOM ka kala yimaadeen Shalanbood iyo Qoryooley.
Alshabaab ayaa isaga baxay Janaale waxayan AMISOM u muuqataa inaysan cashar ka baran weerarkii degaanka Leego oo Alshabaab oo xeraasi ku laayay ilaa 70 askari oo Burundi ah.
Qasaaraha AMISOM iyo Alshabaab ka soo gaaray dagaalkii Janaale ayaan si rasmi ah loo ogeyn laakiin dadka degaanka ayaa ku waramaya in labada dhinac qasaare xoog leh kasoo gaaray siiba kuwa AMISOM.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]