Tuesday, June 24, 2025

Ciidamada AMISOM oo si lama filaan ah uga baxaya saldhiggii weynee ee Leego [Akhriso]

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidmada Uganda ee AMISOM ka tirsan iyo kuwa dowladda Somalia ay ka baxayaan  saldhigii Leego ee Gobolka Sh/Hoose.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay arkeen diyaargarow ay ku jiraan ciidamadan, iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ay saldhigga ka socotay shaqo xoog leh oo la xiriira guuritaana ciidamada.

Waxaa lagu wadaa in ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida ay saacaddaha soo socda ka baxaan degaanka Leego, iyadoo laga cabsi qabo inay u daba maraan oo ay la wareegeen maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Waxaa la xusuustaa in Alshabaab ay saldhiga Leego ku qaaday weerarkii ugu horeeyay ee ugu weynaa noociisa kaasoo lagu dilay in ka badan 54 ciidiamada AMISOM ee ka socda Burundi June 2015, kadibna waxaa halkaasi la geeyay ciidamada Uganda.

Leego ayaa 120 KM galbeed ka xigta Muqdisho, waxayna muhiim u ahayd ciidamada AMISOM iyo howlgallada ka dhanka ah Alshabaab, waxaana sidoo kale ay muhiim u tahay isu socoda magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON