Monday, August 4, 2025

Ciidamada AMISOM shacab ku dilay Buulomareer iyo bannaanbax ka socda magaalada

Wararka inaga soo gaaraya duleedka deegaanka Buulo mareer oo ka tirsan Gobolka Shabelaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah saaka ay ku dileen Buulomareer.

Dadkan la dilay ayaa la sheegay inay la  socdeen Gaari rakaab ah oo  u soo socday magaalada Muqdisho, waxaana ciidamada AMISOM oo ka shakiyay ay rasaas ku fureen dadkaasi.

Shilkaasi ayaa la sheegay in ciidamada AMISOM ay ku dileen 4 qof, oo ay ku jirto Haweenay waayeel ah, waxaa kaloo jira qasaare kale oo dhaawac oo dadkii rakaabka ahaa ay soo gaareen.

Wararka laga helayo Buulo-mareer ayaa sheegaya in dadweyne ka careysan  falka ciidamada AMISOM ay banaanbax looga horjeedo ciidamada AMISOM ka sameeyeen xerada ciidamada AMISOM ee Uganda ku leeyihiin Buulomareere.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON