Ciidamada Booliska magaalada Muqdisho ayaa caawa ku qabtay xeebta Liido e degmada C/casiis Doon siday waxyaabaha Mukhaadaraadka ah.
Afhayeenka ciidamada Booliska C/fataax Aadan Xasan ayaa sheegay in maqribnimadii caawa ay ciidamada Booliska Gobolka Banadir iyo kuwa gaarka ah ay qabteen Doontan oo shixnad waxyaabo mukhaaradad ah kasoo qaaday gobollada fogfog ee ilaa Bu’aale iyo Baraawe, lana soo marsiiyey xeebta.
Doonta ayey ciidamada Boolisku la wareegeen iyada iyo shixnadii ay siday iyadoo ay baxsadeen raggii doontaasi waday, waxaana lagu dejiyey Doobta xeebta Liido meel ka mida oo jawaanno waaweyn ay ku jireen tubaako lagu dhex qariyey Mukhaadaraad.
