Friday, June 27, 2025

Ciidamada Danab oo Caruur fara badan oo kasoo furtay Alshabaab (Sawirro)

Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa Alshabaab ka furtay caruur fara badan oo gaareysa 33, kadib howlgal ay ka fuliyeen Degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Sh/hoose oo ay shalay la wareegeen.

Caruurtan ayaa la sheegau inay yihiin kuwo aan weli qaangaarin oo si qasab ah ay Alshabaab uga kaxeysteen waalidkood si ay u tababarraan uguna adeegsadaan dagaallada. Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in inay ciidamada la wareegeen xerada lagu hayay caruurtaan, kadibna ay ku wareejiyeen ehelkooda.

Howlgalka ciidamada Danab ee degmada Kuntuwaarey ayaa la sheegay in sidoo kale lagu soo qabtay Horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab oo qaarkood ku xirnaa Saldhiga Degmada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON