Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Galgaduud iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay degaano ka tirsan Gobalkaasi, siiba degaanka Wabxo ee dhaca bariga Galgaduud. Ciidamada ayaa si dagaal la’aan ah kula wareegay tuuladaaasi iyo degaano kale oo halkaasi ku yaala.
Col. Axmed Maxamed oo ka mid ah saraakiisha howl galka hogaamineysay ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho in ciidamada ay si nabdoon kula wareegeen Wabxo iyo deegaano ku dhow dhow. “Ciidamada waxay dagaal la’aan kula wareegeen Wabxo iyo deegaanada ku dhow dhow oo awal ay dhuumaaleysi ku imaan jireen, waxaana qorshaheenu yahay inaan gaarno deegaanada kale”ayuu yiri Col, Axmed Maxamed oo ka mid ah saraakiisha ciidamada hogaamineysay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhowaan Ciidamada ay isku furi doonaan Xarardheere ilaa Aadan Yabaal, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada dowladda iyo AMISOM oo iskaashanaya ay howolgalka ka wadaan gobolka Galgaduud.
Gobjooge.com