Sunday, July 13, 2025

Ciidamada dowladda ee ku sugan Doolow oo iska-hor rimaad dhex maray iyo Taliye lagu dhaawacay..

Wararka laag helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu dagaal dhex maray ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan oo dhexdooda is-rasaaseeyay.

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay degmada Doolow, waxaana la sheegay inuu u dhaxeeyay Ciidamada Nabadsugida degmada iyo ciidamo ka tirsan kuwa ay dowladda Federaalka geysay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya inuu dagaalka ku dhaawacmay Taliyihii Ciidanka NISA ee degmada Doolow Xasan Cibaad iyo hal askari oo ka tirsan ilaaladiisa.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta keentay iska hor imaadka dhex maray labada ciidan oo muran dhex maray Taliyaha NISA ee Doolow iyo ciidamada dowladda geysay halkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON