Friday, June 27, 2025

Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay Degmada Diinsoor

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya ayaa saaka gaaray afka hore ee degmada Diinsoor ee gobolka Baay, halkaasoo ay isaga baxeen maleeshiyada Alshabaab oo muddo dheer  degmadaasi gacanta ku heysay.

ciidamo

Wasiirka Gaashaandhiga  Soomaaliya Gerenaal C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa xaqiijiyay in ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay galeen Diinsoor. Wasiirka wuxuu caddeeyay  in ciidamada  ay ku sugan yihiin kortoroolka Diinsoor  ayna doonayaan in si taxadar leh ay gudaha ugu galaan Degmada si loo hubiyo xaalada.

Kooxda Al-shabaab ayaa shalay galabtii maleeshiyadeeda kala baxday Diinsoor iyagoo aaday dhinaca Gobolka Jubbada dhexe oo ah  gobol ay si buuxda gacanta ugu hayaan Alshabaab. Ciidamada is garabsanaya  ayaa xalay ku hoyday meel 5-KM u jrta Diinsoor iyagoo kadibna  saaka u ruuqaansaday Diinsoor ay galeen.

Sarkaal u hadlay ciidanka dowladda oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa xaqiijiyay in ciidanka ay qeyb ka mid ah Diinsoor galeen.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON