Thursday, July 10, 2025

Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay degaan cusub oo ka tirsan Sh/Dhexe

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay saaka la wareegeeb degaanka Biyo Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay halkaasi isaga baxeen kooxda Alshabaab oo muddo dheer ka talineysay.

Ciidamada isbaheystay oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka iyo dabaabaadka ayaa gudaha u galay deegaanka  salaadii subax kadib. Afhayeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe Daa’uud Xaaji Ciro ayaa xaqiijiyay  in ciidamada dowladda iyo  AMISOM la wareegeen Biyo-Cadde, mana jirin sida uu sheegay wax iska caabin ah.

Deegaanka Biyo-cadde ayaa caan ku ah Ganacsiga, iyadoo uu ka mid yahay degaanada ugu waaweyn ee gobolka ee dhinaca ganacsiga ugu horeeya, waxaana muddo dheer ka talinayay kooxda Alshabaab.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON