Wararka ka imaanaya tuulooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal uu ka qarxay tuulooyin dhowr ah oo horay ugu sugnaayeen kooxda Al-Shabaab.
Dagaalkaan ayaa ka danbeeyay markii ay ciidamada dowladda oo kaashanaaya kuwa AMISOM iyo saraakiil Mareykan ah ay weerareen tuulooyin ka tirsan degmada Mahadaay, waxaana lasoo sheegayaa in ciidamada dowladda ay la wareegeen dhowr tuulo.
Dagaalka ayaa hadda lagu soo waramayaa inuu ka socda tuulada Cali Fooldheere oo ku taal inta u dhaxaysa Mahadaay iyo Biyocadde.
Howlgalkaan ayaa dadka deegaanka sheegeen inuu yahay mid xooggan, ayna qeyb ka yihiin saraakiil Mareykan ah oo dagaalka hagaya iyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.