Ciidamada dowladda Soomaaliya ee K/Galbeed ayaa sheegay inay la wareegay tuulooyin ka tirsan degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay, markii howlgallo ay ka sameeyeen 24-kii saac ee u danbeeyay, kuwaasoo ka danbeeyay duqeyn ay ciidamada Itoobiya ka geysteen tuulooyinkaasi.
Xuseen Maankaalow oo ah guddoomiye kuxigeenka degmada Buurhakaba ayaa sheegay in ciidamada dowladda oo kaliya ay howgalkaasi qaareen, waxaana tuulooyinka ay la wareegeen ka mida Buur-eylo, Dalandoole iyo saddex tuulo.
Qasaaraha dagaalada ka socda gobolka Bay ayaan la shaacin, iyadoo shalay diyaarado Helicopter oo ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya duqeyn ku dileen in ka badan 12 ruux markii ay duqeeyeen baabuur ay saarnaayeen.
Howlgalka ka socda gobolada Bay iyo Gedo ayaa xowli ku socda, waxayna Alshabaab isaga baxeen dhammaan degaanadii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay tageen.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]