Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada Dowladda oo ay la socdan AMISOM iyo Diyaarado Mareykan ah oo qabsaday Tooratoorow

Ciidamada dowladda Federaalka, kuwa AMISOM iyo diyaarado dagaal oo Mareykanku leeyahay siiba kuwa Drone-ka ayaa maanta duhurnimadii la wareegay Degaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerar qorsheysan oo ay wadajir u qaadeen saddexda dhinac ayaa lagu galay degaanka oo ahaa magaalo weyn oo Alshabaab ay xarun ka dhigatay, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in Alshabaab ay isaga baxeen Tooratoorow markii ay ku soo dhowaadeen ciidamada dowladda.

Diyaaradaha dagaalka nooca aanay cidna wadin ee Drone-ka ayaa la sheegay inay qeyb weyn ka qaateen dagaalkaasi, waxaana dhowaan kooxda Alshabaab ay abaabushay koox la sheegay inay falal is-miidaamin ah fulin doonaan bisha Ramadaan.

Xaaladda ayaa degan, mana jirin dagaal weyn oo ka dhacay Tooratoorow, iyadoo ciidamada AMISOM ay degaan duleedka magaalada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON