Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada dowladda oo ka baxay degaanka Ceelbaraf & Alshabab oo ku laabtay

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka baxeen degaanka Ceel-baraf ee degmada Mahadaay, Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo aan la ogeyn sababta ay uga baxeen degaankaasi oo dhowaan uun laga saaray kooxda Alshabaab.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inay Ceelbaraf faarujiyeen Khamiistii kadib markii ay soo food saartay taakulo la’aan iyo mushaarkii ciidamada oo ay waayeen.

Waxaa weli duleedka Ceel-baraf ku sugan Ciidamada Burundi ee  Midowga Afrika, kana tirsan AMISOM kuwaas oo fariisin ka sameystay halkaasi, waxaana wararku sheegayaan in dadaal loogu jiro in dib loogu celiyo ciidamadii milateriga xoogga dalka.

Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in maleeshiyo Alshabaab ah oo sahan ahayd aya saaka galeen Ceelbaraf, taasoo keentay in odayaasha iyo waxgaradka degaankaasi ay ka baxsadeen oo megangalyo ahaan u galeen xerada AMISOM, iyagoo ka cabsi qaba in Alshabaab ay tallaabo ka qaado markii ay soo dhoweeyeen ciidamada dowladda iyo AMISOM.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa dhowaanahan ka cabanayay daryeel iyo mushaar la’aan waxaana dhowaan ay ka baxeen xerada Laanta buuro ee gobolka Shabeelaha hoose, halkaasoo Alshabaab kula wareegtay gaadiid dagaal oo ku dhow 10.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON