Ciidamada dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen dilka C/Xamiid Sheekj Cabdiqaadir Xaaji Muxumad oo ah nin la dhashay Xildhibaan Farax Sheekh C/qaadir kadib markii ay rasaas ku fureen.
Ehelka ninkan ayaa sheegay in rasaas ay ku fureen ciidamada dowlada isagoo maraya meel u dhow Hotel-ka Ambassador ee magaalada Muqdisho xiligii salaadii maqrib kadib.
Warar kale ayaa sheegaya inuu C/xamiid u dhintay dhaawac kasoo gaaray weerarkii lagu qaaday Hotelka Ambassador.
Falkan ayaa ka mid noqonaya falal ciidamada dowlada ku lug yeesheen oo lagu dilay mas’uuliyiin iyo shacab oo inta badan si lama filaana uga dhaca magaalada Muqdisho.
Goobjooge.com