Tuesday, June 24, 2025

Ciidamada dowladda oo qabtay Askar AMISOM ka tirsan oo iibinaya saanad iyo Qalab Milateri

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la xiray 5 Askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM iyo 10-qof oo Soomaali ah kuwaasi oo lagu helay iyagoo iibinayay qalabka loo keeno ciidanka AMISOM.

Askarta iyo dadkan ayaa ciidamadu ku qabteen goob Garaash ah oo ku taalla Wakaaladii Biyaha, agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. Waxaan goontaasi tegay masuuliyiinta ammaanka sida Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed, Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Maxamed Sheekh iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Daahir.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu qabtay ciidanka AMISOM iyo dadka kale ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ay daba socdeen arrintan ugu danbeyntiina maanta ay u suurta gashay inay qabtaan shaqsiyaadkaan iyo Alaabihii ay iibinayeen.

Taliyaha Booliska ayaa sheegay in dadkan la qabtay iyaga oo iibinaya qalabka AMISOM oo ay ka mid yihiin jawaanada difaaca, telefoono, sanduuqyada rasaasta lagu qaato, shidaal iyo alaabo kale.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in arintaan ay tahay danbi oo aysan ka haraynin dowlada Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in askarta AMISOM iyo dadka lala qabtay maxkamada lasoo taagi doono.

Ma jiro wax war ah oo Taliska AMISOM kasoo saaray fadeexadan ay ciidamada ku lug yeesheen, waxayna tani noqoneysaa markii ugu horeysay ee la qabto askar AMISOM ah oo fal noocan oo kale ah ku dhex jira.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON