Tuesday, June 24, 2025

Ciidamada dowladda oo saddex caruur ah ku dilay Degmada Hodon, Muqdisho

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa caawa degmada Hodon ku dilay Saddex caruur ah, iyadoo aanay caddeyn sababta dilkaasi ka danbeysay.

Wararka laga helayo dadka degaanka ayaa sheegaya in ciidamo ku lebisan dareyska ciidamada dowladda Federaalka ay dileen saddexdan caruur oo kala ahaa, balse midkood uu ahaa dhalinyaro:

Abshir Aweys Salah

Sundus Cabdirashiid

Hibaq Cabdullaahi Mohamed

Shilkan oo ka dhacay Xaafada Warshada Caanaha ee Degmada Hodan ayaa dadka degaanka waxay sheegeen in rag xirnaa dareyska Ciidanka Milatariga Soomaaliya ay gaari Caasi ah ku amreen in uu istaago, kadib  markii uu diidayna ay rasaas ku fureen.

Qasaare kale oo dhaawacyo ah ayaa la sheegay inay rasaastaasi geysatay. Dableydii ciidamada ahayd ayaa goobta uga baxsaday si degdeg ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON