Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay dileen 32 maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab oo weerar xoog leh xalay ku qaaday fariisin ay ciidamada ku leeyihiin deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha ururka labaad ee guutada saddexaad ee ciidanka milateriga Soomaaliya Col.Xasan Maxamed Abuukar ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in maleeshiyaadka Alshabaab weerarkood iska difaaceen ayna dileen 32 ka mida kuwii weerarka soo qaaday.
Wuxuu kaloo sheegay imuu jiro dhaawacyo badan iyo hub ay ka furteen kooxda Alshabaab ee weerarka soo qaaday, laakiin ma sheegin qasaaraha gaaray dhinaca ciidamada dowladda, mana jirto cid xaqiijisay arrintan.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]