Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Gobolka Bakool ayaa soo bandhigay Sarkaal ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab oo isku soo dhiibay.
Ninkan ayaa lagu magacaabaa Colaad Cabdiraxmaan Xerow, waxayna saraakiisha Ciidamada Dowladda kusoo bandhigen degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, isagoo iskiis u doortay inuu isaga baxo Alshabaab, kadib markii uu ka tirsanaa muddo 11 Sano ah.

Guddoomiyaha degmada Xudur Ibraahim Isaaq Ibarahim ayaa sheegay in Sarkaalkaan uu kasoo jeedo degmada Xudur isgoo doortay inuu ka baxo Al-Shabaab, isgoo lasoo xiriiray ciidamada dowladda.
Wararka ayaa sheegaya in Colaad Cabdiraxmaan Xerow uu Al-Shabaab ugu Shaqeyn jiray Darawalnimo, isagoo ugu baaqay Shacabka degaankaasi inay iska cafiyaan.