Wararka laga helyo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka inta badan wadooyinka magaalada ay xiran yihiin.
Ciidamo fara badan ayaa la geeyay wadooyinka waaweyn, sida Maka Al-Mukarrama, jidka Wadnaha iyo Jidka 30-ka, iyadoo wararku sheegayaan in madaxda sare ee dalka ay ka qeygeli doonaan furitaanka dhismaha wadada Soddonka.
Dadweynaha iyo gaadiidka ayaa laga joojiyay inay adeegsadaan wadooyinka muhiimka ah, taasoo ay ugu wacan tahay dhagax dhigga jidka oo ka mida kuwa ugu waaweyn ee wel burbursan, waxaana dhismaya Ganacsatada Gobolka Banaadir.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa inuu dhagax dhigo Dhiismaha jidka
Goobjooge