Thursday, April 18, 2024

Ciidamada Dowladda Somaliya iyo AMISOM oo la wareegay Galcad

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomalaiya ayaa sheegaya in ciidamada hiwanta ee dowladda Soomaaliya iyoAMISOM ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Galcad ee gobolka Galgaduud oo in muddo ah gacanta ah ku hayeen kooxda Alshabaab.

Howgalka oo ay ka qeyb galeen ciidamada Itoobiyaanka ayaa ka bilowday h degaanka  BudBud oo 30 KM galbeedka ka xiga Galcad, kadibna waxay la wareegeen degmada oo kooxdii Alshabaab saldhig weyn ku lahaayeen.

Ciidamada wadajirka ah ayaa la sheegay inay dhinacyada ka degaan degmada iyadoo ka cabsi qaba miinooyin lagu aasay wadooyinka laga galo degmada.

Ad

Saraakiisha ciidamada dowladda ee degmadaasi ku sugan ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga.

Ciidamada Itoobiya ayaa looga bartay inay dib uga baxaan degaanada Gobollada dhexe ee ay ka saaraan Alshabaab, taasoo niyad jab iyo cabsi ku keenta dadka degaanka.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON