Ciidamada gaarka ah ee Booliska oo uu tababaray Ingiriiska ayaa baaritaano ka bilaabay wadooyinka Muqdisho habeenkii xilligan lagu jiro bisha ramadaan.
Ciidamadan ayaa dhowaan lagu soo bandhigay markii uu Muqdisho yimid wasiirka arrimaha dibadda Britian Philip Hammond.
Howlgallada ayaa bilowday xalay, waxayna socdeen caawa iyadoo taliska Booliska Gobolka Banaadir uu sheegay inay socon doonaan habeenadii si loo sugo ammaanka caasimadda.
DAAWO SAWIRRO