Sida ay sheegayaan wararka laga helayo gobolka Sh/Hoose ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Gurigiisa kala baxay weriye ka tirsanaa Idaacad ku taalla degmada Wanlaweyn.
Wariyaha oo ay ciidamada u kaxeysteen meel aan la garaneynin ayaa magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Yuusuf, wuxuuna ka tirsanaa Idaacadda Radio Wanllaweyn oo magaaladaasi ka howlgasha, sida ay xaqiijiyeen maamulka Idaacadaasi.
Agaasimaha Radio Wanlaweyn Ismaaciil Mire ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku tababarray ee Bangaraf ah ay xalay u dhaceen Guriga weriyaha oo ay kaxeysteen. Wariye Ismaaciil ayaa ahaa madaxa shaqada iyo shaqaalaha Idaacadda, isagoo soo saare ka ahaa Barnaamijka Ciyaaraha ee ka baxa raadiyaha oo aan wax siyaasad ah shaqo ku lahayn.
Lama yaqaan sababta weriyaha loo qafaashay, iyadoo ay adag tahay in lala xiriiro ciidamada Danab ee saldhigoodu yahay Garoonka Balidoogle.