Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada Galmudug oo gacanta ku dhigay koox isbaaro u taallay Godinlabe

Wararka laga helayo Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Maamulka Galmudug ay degaanka Godinlabe oo  30 KM Koofur ka xiga degmada Cadaado ay maanta ka fuliyeen howlgal lagula dagaalamayo koox isbaaro dhigatay degaankaasi.

Ciidamada  Galmudug  iyo kooxdii isbaarada dhigatay Gadinlabe ayaa  iska hor imaad ku dhexmaray iyagoo rasaas cyulus is weydaarsaday, waxaana dagaalkaasi ku geeriyooday askari oo ka tirsan ciidamada Galmudug ee weerarka ahaa.

Kadib iska hor imaadkaasi ciidamada Maamulka Galmudug waxay gacanta ku soo dhigeen 12 kamida kooxdii jidgooyada u taalay waxaana loo taxaabay xabsiga degmada Cadaado.

Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa  bilaabay howlgallo ay kula dagaalamayaan kooxaha dableyda ee isbaarooyinka u yaalaan degaanada gobollada dhexe.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON