Ciidamo ka tirsan kuwa ay Imaaraada Carabta tababarreen ayaa maanta gala mid ka mida Jaamacadaha Muqdisho, iyagoo kala baxay arday.
Ciidamadan ayaa weerar ku qaady xarunta Jaamacadda Plasma ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, halkaasoo ay ka wateen laba arday oo ka mid ahaa ardayda jaamacadda dhigata iyagoo indhaha ka xiray, waxayna xaalad khalkhal ah ka abuureen Jaamacadda.
Wararka ayaa sheegaya in markii ay ciidamadaasi wateen labada arday ee ay raadinayeen ay goobta ayaa gaareen ciidamo ka tirsan Nabadsuggidda oo iyaguna baaritaan ka sameeyay, mana jiraan wax faafhaahin oo ay bixiyeen hay’adaha amniga.
Waa markii ugu horeysay ee ciidamaa Imaaraadka ay ku lug yeesheen falal noocan ah oo goobo waxbarasho lagu duulayo, waana xaalad cusub oo laga war sugayo dowladda Soomaaliya.
DHAGEYSO