Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada Itoobiya ee Gobolka Gedo oo xiray Guddoomiyaha Degmada Garbahaarey

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay saacado xabsiga dhigeen guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee maamulka Jubba Nuur Sheekh Maxamed Buraale.

Isagoo la hadlay Idacadda Shabeelle ayuu sheegay inuu saacado maxbuus u ahaa Saraakiil ka tirsan kuwa Itoobiya oo ku sugan Magaalada Garbahaareey, iyadoo ciidamada Itoobiya ay ka qabteen Buur dhabarka dambe uga taal saldhig ay Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Magaalada Garbahareey islamarkaana xoriyada laga qaaday, sida uu yiri.

Mar uu ka hadlay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolka Gedo ayuu Guddoomiyaha Degmada Garbahaareey caddeeyay inay aaminsan yihiin awood isla markaana xadgudub  ay kula kacaan Mas’uuliyiinta iyo Shacabka ku dhaqan Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON