Thursday, July 17, 2025

Ciidamada Itoobiya oo dad shacab ah ku xasuuqay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay halkaasi ku laayeen dad shacab ah oo la socday gaari ku sii jeeda goob ay tacsi ka jirtay. Xasuuqan ayaa noqonaya mid ka mida falalka dilalka ah ee ciidamada AMISOM ka geystaan goboladda dalka.

itoobiyaamisom

Falkan ayaa la xaqiijiyay in ciidamada Itoobiya ay ku dileen lix qof iyadoo shan kale lagu dhaawacay markii rasaas ay ku fureen ciidamada Itoobiyaanka. Dadka shacabka ah ee la laayay ayaa  saarnaa gaari Mini Bus ah (Nisssan Homey) oo kasoo baxday magaalada Beledweyne kuna socday tuulada Halgan oo dhowaan ay la wareegeen ciidamada Itoobiyaanka.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka dilku u dhacay waxayna dadka degaanka sheegayaan in ciidamada Itoobiyaanka ay dadka kala degeen gaariga kadibna ay dileen. Dadka Itoobiyaanka ay dileen waxaa ka mida  nin qurbe joog ah oo ka yimid Ingiriiska oo lagu magacaabo Cilmi Shabeel.

 

Maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidamada AMISOM ayaan wax hadal ah kasoo saarin shilkaasi ka dhacay, iyadoo falal noocan oo kale ay hore uga dhaceen magaalooyinka Marka iyo Xudur.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON