Ciidamada Itoobiya ayaa shaaciyey inay dib u qabsadeen magaalooyinka istiraatiijiga iyo muhiimka ah degaanka Amxaarada oo kala ah: Dessie iyo Kombolcha.
Sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda Itoobiya waxay cidamada Itoobiya iyo maleeshiyada maamulka Amxaaradda maanta dib uga qabsadeen ciidamada Tigreega labada magaalo ee Dessie iyo Kombolsha.
Magaalooyinka ayaa ah kuwii ugu danbeeyay ee dagaalka ay dowladda Itoobiya dib ugu qabsanayso dhulkii ay dhawaan lumisay, kadib dagaal rogaalcelin ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.
Xoogagga taabacsan Jabhadda Tigreega ee TPLF, ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalooyinkan oo ka tirsan gobolka Axmaarada aakhirkii Bishii Oktoobar. Kooxda TPLF ayaan weli ka jawaabin warkan, laakiin waxay sheegeen inay dib u habeynayaan ciidamadooda oo ay dib uga baxeen magaalooyin dhowr ah.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in warbaahinta dowladdu ay ku dhawaaqay guusha dib u qabsiga labada magaalo, taasoo ah dhiirigelintii ugu dambeysay ee xukuumadda Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.
Ciidamada Federaalka iyo xulafadooda gobolka ayaa dhowan dib u qabsaday magaalada Lalibela oo hay’adda Qaramada Midobay ee UNESCO u aqoonsan tahay xarun ay ku yaallaan goobo taariikhi ah.
