Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada Itoobiya oo masaafurinaya mas’uuliyiintii Gobolka Gedo ee ku xirnaa Doolow

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee degmada Doolow ku sugan ay magaalada Muqdisho u soo masaafurinayaan siyaasiyiin iyo mas’uuliyiintii gobolka Gedo ee ay dhowaan ku xireen halkaasi kadib markii ay heshiis lagu sheegay shirqool u geeyeen.

Reer-Gedo

Saraakiil ku sugan Baardheere ayaa sheegay in afar ka mida mas’uulyiintaasi ay ciidamada Itoobiya u masaafurinayaan caasimadda Soomaaliya, iyadoo diiday inay ku laabtaan degmada Baardheere oo markii hore laga keenay ama gobolka Gedo oo dhan, sidaasoo uu codsaday maamulka Axmed Madoobe oo ka cabsi qaba haddii gobolka Gedo ay sii joogaan inay dhibaato ku noqdaan qorshahooda ay doonayaan inay kula wareegaan gobolka Gedo.

Siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta lagu wado in Muqdisho loo soo masaafuriyo waxaa ka mida:

1, Maxamed Cabdi Kaliil

Maxamuud Sayid Aadan

Maxamed Aw-libaax

Cabdi Barre

Mas’uuliyiintan ayaa muddo toddobaad ah ciidamada Itoobiya ugu xiran Doolow, kadib heshiiskii la shaaciyay inay la galeen Axmed Madoobe. C/llaahi Fartaag ayaa arrintan kala shaqeynaya ciidamada Itoobiyaanka isagoo ka haray wafidigii Axmed Madoobe.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON