Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa shalay dib xoriyadiisii ugu celiyay siina daayay madaxdii ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed u qaabilsan Gobolka Gedo Ibraahin isaaq Gaasey oo muddo ka badan 3 toddobaad ay gacanta ku hayeen.
Odayaasha dhaqanka degaanka iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa dadaal weyn u galay sii deynta samafalahan oo Itoobiyaanka ay ku eedeeyeen eedo been abuur ah, kadibna ay sheegeen inay baaritaan ku sameynayaan. Waxaa ugu dambeyn suuragashay in Ibraahin Isaaq Gaasey la sii daayo Khamiistii shalay.
Madaxa Bisha Cas ee Gedo ayaa sheegay inuu ku xirnaa Garoonka diyaaradaha in Ciidamada Itoobiya oo xoriyaddiisa looga qaaday isagoo aan wax denbi ah lahayn.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]