Ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee hiil-walaal kana mida AMISOM ayaa si rasmi ah ula wareegay ammaanka degmada Jalalaqsi, ee gobolka HIiraan iyagoo ka bedelay Ciidamadii ka socday dalka Burundi ee horay u sugnaa degmadaasi.
Ciidamada Jabbuuri oo ka yimid dhinaca Beledweyne iyo Buuloburte kuna hubeysan gawaarida gaashaaman iyo kuwa dagaalka ayaa la geeyay dgemada Jalalaqsi. Munaasabad ay xilka kula wareegayeen ciidamada Jabuuti ayaa ka dhacday halkaasi iyadoo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, Taliyaha Guud ee Ciidamada Jabuuti Jen. Zakariye iyo Saraakiil kale oo ka tirsan AMISOM.
Ciidamada Jabuuti ayaa si weyn u jooga gobolka Hiiran, waxayna tani noqoneysaa degmadii saddexaad ee ah tagaan. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa ku bogaadiyay Ciidamada Jabuuti inay kaalin weyn ka qaadanayaan difaaca Gobolka Hiiraan.
HOOS KA DAAWO SAWIRRO
[ad name=”HTML-1″]
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-7″]