Thursday, June 26, 2025

Ciidamada Kenya oo Diyaarad kala degay laba nin oo Soomaali ah, xabsina u taxaabay

Labo nin oo Somali ah ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha JKIA kadib markii fal mamunuuc ah ku kaceen duulimaadyo kala duwan oo ay la socdeen  diyaaradda Shirkadda Kenya Aiways.

Labada nin ayaa magacyadooda lagu kal sheegay Carrabow Muuse Xasan iyo Maxamed Jaamac Maxamed waxaana xabsiga la dhigay isla markii ay Garoonka kasoo degeen, iyadoo lagu eedeeyay inay sigaar ku dhex cabeen diyaaradda Kenya Airways dhexdeeda.

Laba nin ee Soomaaliga ah ayaa ka yimid dalka Koonfur Afrika, waxyana la kala socdaan duulimaadyada tirsigoodu kala ahaa KQ 763 iyo KQ783, sida ay qortay Daily Nation.

Labada qof ee Soomaaliga ah oo kala ah: Carrabow Muuse Xasan iyo Maxamed Jaamac Maxamed ayaa sii maris ku ahaa magaalada Nairobi, iyadoo la sheegay inay ku sii jeedeen magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu wadaa in maxkamada lasoo taago labada nin iyadoo ganaax lacageed la filayo in la saaro.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON