Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay kufsadeen Gabdho Soomaali ah oo ku sugnaa degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.
Mas’uuliyiinta degmada Beledxaawo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in haweenka oo gaarayey shan qof ay kufsadeen ciidamada Kenya oo ay jidka iskula kulmeen degaanka Bakoolow oo hoos yimaada degmada Beled Xaawo, waxaana la sheegay inay gabdhaha ka mid tahay gabar yar oo dhaawac halis ah gaartay.
Guddoomiyaha Beled Xaawo Maxamuud Xayd Cusmaan ayaa sheegay in Gabadha kufsiga loo geystay uu saaka u kaxeeyay dhinaca Kenya oo arrimo caafimaad loogu diray magaalada Mandheera, ayan la xiriireen mas’uuliyiinta Kenya ayna u sheegeen inay baaritaan sameyn doonaan.
Haweenka la kufsaday waxaa la socday laba qof oo rag ah iyo haweeney kale oo ka baxsaday markii falku dhacayey, waxayna arrintan noqoneysaa tacadiyadii ugu danbeeyay ee ciidamada Kenya ka geysteen Gobolka Gedo.