Monday, June 23, 2025

Ciidamada Kenya oo qabtay Soomaali lagu eedeeyay inay qorsheynayeen Weerarro Argagixiso [Akhriso Magacyada]

Ciidamada Kenya ayaa qabtay shan qof oo badankooda Soomaali ah, kuwaasoo looga shakiyey inay qorsheynayeen weerarro argagixiso.

Sida ay warbaahinta Kenya baahisay shantan qof ayaa adeegsanayey Gaari noova Vitz ah, iyadoo howlo basaasid iyo indha-indheyn ah ku hayey goobo ka mida caasimadda Nairobi, waxaana dabagal kadib gacanta ku dhigay ciidamada argagixiso la-dirirka dalka Kenya, iyadoo lagu xiray saldhigga Booliska Pangani ee u dhow xaafadda Islii.

Shanta qof ayaa ah Soomaali kasoo kala jeeda Soomaaliya, Kenya iyo qof heysta dhalashada Mareykanka, waxaana lagu qabtay lacago kale duwan, computer-ka laptop ah iyo waliba kaarka ay isticmaallaan ilaalada safaaradda Maraykanka.

Ad

Magacyada shanta qof ayaa kala ah:

1- Mohamed Mohamud (wuxuu heystaa dhalashada Mareykanka)

2- Mohamed Bario (Waa Soomaali)

- Advertisement -

3- Mohamed Adan (Darawal- Somali-Kenyan)

4- Hodan Ismail (Waa Soomaali)

5 iyo Ifrah Mohammed (Waa Soomaali)

Dowladda Kenya ayaa dhowaaan ciidamadeeda heegan galisay, kadib weerarro is-xigay oo Alshabaab ka fulisay gudaha dalkaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON