Maamulka Jubba ayaa sheegay ciidamo gaara oo nabadsugidda maamulkaasi ka tirsan ay weerar qorsheysan oo gaadmo ahaa ku dileen horjooge ka tirsan Alshabaab oo u qaabilsanaa howlgallada degaanada Jubbooyinka oo magaciisa lagu sheegay Bashiir Garweyne.
Afhayeenka Hay’adaha amaanka Jubbaland Axmed Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in weerarka uu dhacay gelinkii dambe ee Axada ayna ku dileen afar ka tirsan Maleeshiyaada Alshabaab, wuxuuna sheegay in dableyda lagu dilay weerarka uu ka mid ahaa Bashiir Garweyne oo ahaa horjooge ka tirsan maleeshiyada Al shabaab ee Jubbooyinka. Weerarka gaadmada ahaa ayaa ka dhacay Shandarmood oo ku taalla duleedka Kismaayo.
Ciidamada nabadsugidda Jubba ayaa maalmahan waday weeraro ay ku qaadayaan maleeshiyada Alshabaab ee ku sugan duleedka magaalada Kismaayo.
Goobjooge.com