Iyadoo madaxweynaha Mareykanka uu maanta booqasho ku tegi doono dalka Kenya ee uu kasoo jeedo ayaa waxaa magaalada Nairobi ee caasimada ah laga dareemayaa inay la wareegeen ciidamada Mareykanka oo muddo bil ka badan halkaasi ku qulqulayay iyagoo ka muuqda dhammaan goobaha muhiimka ah ee magaalada.
Socdaalka madaxweyne Obama ee Kenya waxaa hareeyay wararka ku saabsan kooxda Alshabaab iyadoo dowladda Kenya ay si weyn uga carooray warbixin telefishanka caanka ah ee CNN fadhigiisuna yahay Mareykanka ka diyaariyay socdaalka Obama ee Kenya kuna tilmaamay inuu booqanayo dal argagixisada saldhig u ah.
Madaxweynaha Mareykanka oo caadiyan socdaallada uu dibadaha ku aado aad loo ilaaliyo ayaa booqashadiisa dalka Kenya ay noqotay mid saameyn weyn ku yeelatay dalka Kenya oo dhan oo hawada laga xiray inta uu joogo Obama iyo gudaha magaalada oo ammaanka si aan hore loo arag loo ilaalinayo iyadoo gebi ahaanba la xiray wadooyin fara badna oo haawanaya, waxaana magaalada Nairobi ay isu bedeshay xero ciidam oo Mareykanku leeyahay.
Baabuurta gaashaamaan ee aan qaraxyada iyo rasaastu karin, diyaaradaha dagaalka iyo ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ee Nairobi jooga waxay socdaalka Obama ka dhigeen mid dadka magaalada ku dhaqan gelisay bandow kumeelgaar ah

[ad name=”HTML”]
Madaxweynaha Mareykanka ayaa lagu wadaa inta uu joogo Nairobi inuu khudbad ka jeediyay shirweynaha ganacsiga ee Nairobi ka dhacaya, shirkaas ayay safaarada Mareykanka ee Kenya hore uga digtay inuu noqon karo goob ay argagixiso soo weerarto.
Boqolaalka ciidamada Mareykanka ee tegay Nairobi haddii aanay kumanaan ahayn waxay la wareegeen saddexda hotel ee Sankara, Villa Rosa Kempinski and Intercontinental , hoteeladan oo wafdiga Obama degi doonaan.
Hawada magaalada Nairobi ayaa laf ahaanteedu la wareegeen ciidamada Mareykanka, diyaaradaha dagaalka iyo kuwa sirdoonka ee waaweyn oo fadhigoodu yahay dalka Jabuuti ayaa si joogto ah u heehaabaya hawada magaalada Nairobi iyo dalka Kenya guud ahaan, waxaa kaloo lagu arkaa hawada Nairobi diyaaradaha gaarka ah ee madaxweynaha oo ah nooca helikoptarada ayaa dadka Nairobi ay sawiro badan ka qaadeen kuna baahiyeen baraha bulshada ku xiriirto.

Kenya ayaa sugidda ammaanka caasimadda Nairobi ee uu martida ku yahay madaxweyne Obama ku daadisay ciidamo boolis ah oo gaaraya 10,000 askari si ay y sugaan ammaanka magaalada sida uu sheegay taliyaha ciidamada Booliska Kenya Benson Kibue oo sheegay in jidad fara badan oo muhiim ah ay maanta xiran yihiin magaalada Nairobi.
Hay’adda Duulimaadka rayidka h ee Kenya waxay shaacisay in hawada Kenya la xiri doono muddo 50 daqiiqo ah marka uu soo degayo wafdiga madaxweyne Obama iyo 40 daqiiqo oo la xiri doono hawada dalkaasi gebi ahaan marka uu ka duulayo Nairobi, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin saacadda uu soo degayo iyo tan uu duulayo ammaanka wafdiga Obama dartiis.

Inta madaxweyne Obama ku sugan yahay Nairobi wuxuu ku raaci doonaa gaarigiisa gaarka ah ee lagu magacaabo ‘BEAST” oo ah gaari si gaara loogu sameeyay oo aanay xabadda iyo qaraxdu karin ama wax ka qaadi karin. Baabuurtani wuxuu qiimahoodu dhan yahay $1.5 million (Hal milyan iyo Bar Doolar) waxayna leeyihiin 8 lugood oo xajmigoodu yahay 8 Inch lagana sameeyay steel, waxaa kaloo dhumaca saqafka gaarigani uu dhan yahay 5-inch oo aanay xabbadu karin, wuxuuna ku qalabeysan adeegyo caafimaad oo dhameystiran oo keyd dhiigga madaxweynaha ahi wehliyo.
Gaariga Beast Wuxu ka mid yahay 60 baabuur oo la geeyay magaalada Nairobi si socdaalka Madaxweyne Obama ay uga qeyb noqdaan UU ast is one of as many as 60 vehicles flown into Kenya sida ay sheegeen madaxda garoonka diyaaradaha ee Kenya.

Socdaalka madaxweynaha Mareykanka ku tegay saddex dal oo afrikaan ah sanadkii 2013 waxaa kharashkii ku baxay lagu qiyaasay 60 ilaa 100 Milyan oo doolar oo ku baxday arrimaha sugidda nabadgelyada madaxweyne Obama ee socdaalkiisii Senegal, South Afrika iy Tanzania. Waxaa la dhaqaajiyay markab dagaal oo xeebaha dalalkaasi gaaray, baabuur iyo diyaarado dagaal oo la geeyay saddexdaas dal iyo hoteeladii wafdigu adeegsaday sida ay shaacisay jariirada Washington Post.

sanadkii 1998 madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton oo booqday six dal oo afrikaan ah waxaa ku baxay $42.8 million oo aanay ku jirin kharashaadkii ammaanka ee aan la shaacin. Waxaana kharasha intiisa ugu badan uu ku baxaa Waaxda Difaaca oo daadgureyn hawada ah sameysa iyadoo baabuur qalab iyo ciidamo u soo daadgureyneysa Afrika

Madaxweyne Obama intii uu talada qabtay ma booqan dalka Kenya oo uu kasoo jeedo iyo dalka Itoobiya oo saaxiib dhow kula ah Mareykanka dagaalka lagula jiro argagixisa. Shir jaraa’id oo Obama ku qabtay Washington dhowaan wuxuu ka hadlay socdaalkiisa dalka Kenya isagoo yiri: “Haddii aan daacad u hadlo inaan Kenya booqdo anigoo shaqsi caadi ah ayaa iiga fiicnaan lahayd inaan booqdo anigoo madaxweyne ah, maxaa yeelay waxaan markaas awoodi lahaa inaan ka baxo hotelka”.
Waxaa soo tarjumay oo isku duba riday Goobjooge.com
Xuquuqda waxay u dhowran tahay Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
Xigasho: AFP, Daily Nation