Tuesday, July 1, 2025

Ciidamada Mialteriga ee Ceelwaaq oo ku dhawaaqay dagaal ay la gelayaan ciidamada Kenya

Ciidamada Militariga Somaliya ee ku sugan degmada Ceelwaaq ee xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay inay dagaal la galayaan ciidamada Kenya, haddii ay ku soo xadgudbaan xuduudka.

Xiisad ka dhalatay dhaqdhaqaaq ay sameeyeen ciidamada Kenya ayaa keentay shalay inay labada ciidan rasaas is weydaarasadaan, waxay arrintan ka dhalatay markii ciidamada Kenya oo wata cagaf-cagafyo ay gudaha u soo galeen dhulka Soomalaiya.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay  xuduudka dhinaca Soomaaliya ka sameeyeen Dhir jaris, waxaana dhacay. Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inay iska celin doonaan  ciidamada Kenya.

Sarkaal kale oo lagu magacaabo Aadan Xuseen, kana mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo, ayaa ku hanjabay in ay diyaar u yihiin dagaal ay la galaan Kenya.

Xiisad colaadeed ee ka taagan xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ee gobolka Gedo ayaa ku soo beegantay iyadoo madaxweynaha Soomaaliya ku sugan yahay dalka Kenya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON