Monday, July 14, 2025

Ciidamada milateriga ee ku jira difaacyada Baraawe oo gadoodsan, Dalab culusna u diray Farmaajo [Daawo]

Ciidamada Milateri Soomaaliya ee difaaca uga jira degmada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose ayaa ku soo biiray ciidamada gadoodsan ee ka cabanaya mushaar iyo raashin la’aan.

Ciidamadan oo ah Guutada 6-aad ururkeeda koowaad ayaa warbaahinta la hadlay, waxayna sheegeen in muddo 4 bilood aan la siin mushaar iyo raashin, waxayna sheegeen in raashin la’aan aysan difaac ku jiri karin, waxayna dowladda Soomaaliya gaar ahaan madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay ka dalbadeen inay xuquuqdooda siiyaan.

Saraakiil u hadlay Ciidamada Baraawe ku sugan ayaa Madaxda Qaranka u qabtay saddex Maalmoood inay uga soo jawaabaan cabashooda, hadii kale ay dib ugu laaban doonaan Guryahoooda, kana bixi doonaan difaacyada.

Waxaa sii xoogeysanaya cabashada ciidamada Milateriga dowladda heysta iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee ciidamada Milateriga ay warbaahinta hor yimaadaan.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON