Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya gaari lagu soo raray waxyaabha qarxa ay qabteen ciidamada NISA.
Ciidamada maamul Goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku soo dhigay Gaari caasi ah oo miineysan oo ay la socdeen laba qof oo waday ujeedkiisuna ahaa in qarax lagu geysto.
Gaarigan ayaa lagu qabtay inta dhaxaysa degmooyinka Caabudwaaq iyo Xananbuuro ayaa hadda baaritaan lagu wadaa, waxaana su’aalo la weydiinayaa labada qof ee waday gaariga.
Waa markii ugu horeysay ee gaari qarxa lagu qabto degaankaasi iyadoo aanay qaraxyo is-miidaamin ah ka dhicin degaanadaasi.
Goobjooge.com